IMAARAATKA CARABTA OO DHAQDHAQAAQ KA BILAABAY BADDA CAS.

uae_army_wiki.jpeg

Marka laga hadlaayo dagaalka dalka Yaman waxaa isla markii caqligaaga ku soo dhacaayo dawladaha qeybta ka ah dagaalkaas,tan iyo markii uu bilawday kacdoonkii carabta sannadkii 2011-kii dalka yaman ayaa ka mida ahaay dalalkii uu saameeyey kacdoonkaas waxaane xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalka yaman Cali C/lla Saalax waxaane xukunka dalka uu gacanta u galay koox gacan saar la leh dalka Iraan lana yiraahdo Ansaara laah(Xuutiyiin) kooxdaan ayeysan u suuragelin ineey wada qabsadaan dalka Yaman oo dhan waxa eyna ku soo koobmeen ineey ka taliyaan goboladii la isku dhihi jiray Yamanta Waqooyi,si hadaba dalka Iiraan uusan u noqon mid raad ku yeesho siyaasadda wadamadda la deriska ah Sacuudiga sida Yaman ayaa waxaa dalka sacuudiga lagaga dhawaaqay isbahaysi ka soo horjeedo Xuutiyiinta uuna hogaaminaayo Sacuudiga,isbahaysigaan ayaa waxaa xubin ka ah dalka Imaaraatka Carabta waxa uuna ka hawlgalay goboladda koonfurta Yaman waxa uuna saldhig ka dhigtay magaaladda Cadan. Hadaba Imaaraatka Carabta ayaan ku ekaan inuu saldhig ka sameysto dalka Yaman oo kaliyah ee waxa uu saldhigyo ciidan ka sameeystay magaalooyinka Casab(Eritereeya) Barbara(somaliland) sakdhigyadaan ayaa waxaa ugu caansan kan Casab waxa uuna ka dejiyey diyaaradaha dagaalka iyo kuwa wax basaaso ee DRONS waxa uuna qaar ka mida diyaaradahaas u diray imaaraatka dalka Liibiya si eey u taageeraan jineraalka hawlgabka ah ee reer Liibiya GEN.Xaftar,maxaa hadda is bedelay?

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa soo xiray dhammaan xerooyinkii ciidan uu ku lahaay Casab iyo Berbera waxa uuna u soo wareejiyey Jasiiradda Suqatra iyo magaaladda Mokha si uu halkaas ugala socdo dhaqdhaqaaqa hubka loo tahriibiyo Xuutiyiinta oo sida la sheegay loo soo marsiiyo maamul goboleedka soomaliyeed ee Puntland gaar ahaan dekadda weyN ee BOOSAASO,hadaba waxaa arrintaan wax ka qoray machad ku yaalo dalka Talyaaniga lana yiraahdo ITALIAN INSTITUTE FOR INTERNATIONAL POLITICAL STUDIES.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

QOYS FALASTIIN U DHASHAY UU KA SOO HARAY AABIHII QOYSKA.

Next
Next

IMAARAATLA CARABTA OO CUNSURIYAD KULA KACAY GABAR SOMALI-BRITISH AH.