IIRAAN IYO IAEA-DA OO ISKU DHEGAN.
HUBKA NUKLIYEERKA IIRAAN XARUNTIISA.
(TEHRAN-IRAN)-Iraan waxa eey ka bixin doontaa jawaabta ku haboon go’aan kasta oo kasoo baxa hayadda caalamiga ah ee nukliyeera ee marka la soo gaabsho loo qoro(IAEA) sidaas waxaa shalay oo Isniin ahayd yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iraan. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Iraan Saciid Xatibzade ayaa sheegay qoraalka aan rasmiga ahayn ee ku saabsan qaraarka eey soo gudbiyeen golaha hayadda caalamiga ah ee nukliyeerka yahay midaan sax ahayn iyo go’aan kasta oo lid ku ah dalka Iraan waxa uu khatar ku noqon doonaa wada hadaladda u dhexeeyo dalka Iraan iyo quwadaha caalamka waxa uuna dib u soo nooleynayaa wada hadaladii hubka nukliyeerka sannadkii 2015-kii waana ogtihiin sida eey isugu xiran yihiin qorshaha talaabada.
ISHA WARKA AA.