HOOS U DHAC KU YIMID STARBUCKS.

(SAWIRKA)-SHIRKADA STARBUCKS.

(WASHINGTON)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo ciidamadda Isra’iil iyo Xarakada Xamaas waxaa isa sso teraayey Iibsiga badeecadaha ey iska leedahay Isra’iil iyo shirkadaha la macaamilo Isra’iil amaba taageero,Shirkadda caanka ah STARBUCKS kana furan meela badan oo caalamka ah ayaa hadda waxaa soo wajahday dhibaato dhaqaale oo kaga timid dhinaca dagaalka Gaza. Hadaba shirkada Maraykanka laga leeyahay ee Starbucks ayaa sii wada khasaaraheeda maalintii 12-aad iyada oo ey sii kordheyso cabsida maalgashadayaasha ee ku saabsan hoos u dhaca iibka,maadaama ey gashay khasaara ka badan 12-bilyan oo doolarka Maraykanka ah muddo dhan labaatan maalmood gudaheed,marka loo eego dhibaatada shaqo joojinta shaqaalahaeeda. Sidoo kale,iyo ololaha qaadacaada baahsan ee lagu beegsanaayo Starbucks sababtoo ah waxa ey taageero u haysaa Isra’iil iyo gardarada ka dhanka ah Marinka Gaza. Ganacsiga maanta oo Arbaca ah(6/12/23)-ka saamiyada ayaa diiwaan geliyey hoos u dhac in ka badan 1%, taaso ah khasaaraha ugu weyn ee shirkada Starbucks tan iyo bixinta dadweynaha ee sannadkii 1992-kii. Shirkada Starbucks ayaa lumisay in ka badan 10% qiimaheeda shirkad ahaan marka laga soo bilaabo 16/11/-2023-ka waqtigaaso kumanaan shaqaale ey ka tageen shaqooyinkoodii gudaha dalka Maraykanka,sababta ayaa lagu sheegay in shaqaaluhu dalbanaayeen in la hagaajiyo xaaladooda shaqada.

ISHA/ARAB.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO QIRATAY IN DAGAALKA GAZA LOOGA DILAY 441-ASKERI.

Next
Next

GUTERRES OO SI ADAG UGA HADLAY XAALADDA GAZA.