HOLLAND: DILKII XARIIRI OO DAD LOO XUKUMAY.
QARAXII LAGU DILAY RW-XARIIRI.
(HOLLAND)-Garsoore ka hawlgala maxkamada racfanka ee caalamiga ah una gaar ah qaadida dacwooyinka la xiriiro dilalka qorsheysan ayaa maanta oo khamiis ah waxa eey xabsi daa’in ah ku xukuntay laba xubnood kana tirsan ururka Xizbullaahi ee dalkaasi Libnaan,sababta labadaan nin kana wada tirsan ururka Xizbullaahi loogu xukumay xabsi daa’in ayaa lagu sheegay ineey tahay ineey qeyb ka ahaayeen dilkii qorsheysnaay ee lagu khaarijiyey Reysal wasaarihii hore ee dalkaasi Libnaan Rafiiq Al-Xariiri iyo 21-qofood oo kale oo iyagana goobta ku geeriyooday sannadkii 2005-tii. Demniilayaasha la xukumay ayaa kala ah Xasan Xabiib Mehri iyo Xuseen Xasan Oneysi,labadaan nin ayaa laga soo qabtay dalkaasi libnaan waxaane loo gudbiyey maxkamadda maanta xukunta kuna taalo dalkaasi Holland.
ISHA WARKA AP.