HOGAAMIYIHII AL-QAACIADADA JAZEERADDA CARABTA OO GEERIYOODAY.

(SAWIRKA)-KHALID BATARFI.

(YEMAN)-Wararka ka imaanayo dalka Yeman ayaa sheegayo in Ururka AL-Qaacidda ee Jaziiradda Carabta(AQAB) uu ku dhawaaqay inuu geeriyooday Hogaamiyihii Ururkaasi KHALID BATARFI,waxa uuna Ururka magacaabay bedelkiisa,sida ey sheegtay Hayadda Sirdoonka ee la socoto kooxaha hubaysan ee caalmka(SITE). Kooxda Sirdoonka SITE ayaa soo werisay goor dambe oo Axadii shalay ahayd iney heshay bayaan ka soo baxay AL-Qaaciadda Jaziiradda Carabta(AQAB) ey ku sheegayaan dhimashada BATARFI balse eysan ku sheegin sababta keentay dhimashadiisa. Hogaamiyahaan dhintay ayaa waxa uu ku dhashay dalka Boqotrtooyadda Sacuudiga waxaane la rumaysan yahay inuu ku jiray da’ada afartameeyadda,waxaane BATARFI loo magacaabay inuu Hogaamiyo ALQaacidada Jaziiradda Carabta sannadkii 2020-kii ka dib markii ey diyaaradaha Drones-ka dalka Maraykanka ey dileen QASIM AL-REYMI. Hogaamiye Batarfi ayaa ka tirsanaa 150-maxbuus oo ka tirsan kooxda AL-Qaaciadada Jaziiradda Carabta(AQAB) kuwaaso laga sii daayey xabsiga markii ey kooxda AL-Qaacidda Qabsatay magaala Xeebeedka Mukalla ahne caasimadda Gobolka Xadarmuut ee dalka Yeman sannadkii 2015-kii. Hayadda sirdoonka SITE ayaa sheegtay in Hogaamiyaha cusub ee AL-QAACIDADA JAZIIRADDA CARABTA(AQAB) AL-CAWLAQI markii ugu dambeysay ee la arkay ey ahayd markii uu ka soo muuqday Video la soo duubay Feberaayo-2023-kii kaaso uu ku boorinaayey Qabaa’ilka Sunniga ah ee ku nool Goboladda Abyan iyo Shabwa ee dalka Yeman iney iska caabiyaan Imaaraatka Carabta iyo Golaha ku meel gaarka ah ee Koonfurta Yeman si ey ugu biiraan dagaalka AQAB ey kula jiraan dawladda Yeman ee fadhigeedu yahay Cadan Koonfurta dalka Yeman.

ISHA/AL-JAZEERA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

KHUABRO U DHALATAY IRAAN OO LAGU DHAAWACAY YEMAN.

Next
Next

ISRA’IIL OO DAD BADAN KU DISHAY MARINKA GAZA.