HAYADDA UNRWA OO DACWAD KA GUDBISAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-MAXAABIIS REER FALASTIIN AH.

(GAZA)-Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin(UNRWA) ayaa soo diyaarisay warbixin ey ku taxday boqolaal kiis oo xadgudub ah oo Isra’iil ey kula kacday shacabka Falastiin ee lagu xiray Marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo xoogaga Xamaas taariikh 7/10/2023-kii,sida lagu sheegay warbixin uu qoray Wargayska New York Times Axadii shalay ahayd. Hayadda UNRWA ayaa warbixin ku soo saari doonto Marqaatiyadaas uu warbixintiisa ku soo saaray Wargayska New York Times taaso sheegaysa tacadiyadda ey la kulmeen maxaabiista reer Falastiin oo ey ku jiraan caruur,haween iyo rag ey da’adoodu u dhexeyso lix jir ilaa 82-jir,wargayska New York Times ayaa sheegay inuu arkay warbixin qabya qoraal ah. Hayadda UNRWA ayaa waraysatay in ka badan boqol ka mida 1002-maxbuus oo Falstiiniyiin ah oo dib loogu soo celiyey Marinka Gaza bishii hore,Maxaabiista ayaa sheegay in la garaacay,la xaday,la dhacay,indhaha laga xiray,lagu sameeyey xadgudub galmo iyo in loo diiday iney la kulmaan Qareen iyo takhaatiir in ka badan muddo bil ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

DIYAARADAH MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYINTA.

Next
Next

MASAR OO XUKUNTAY HOGAANKII SARE EE IKHWAANKA.