HAWLGAL LAGU DILAY HOGAMIYE DAACISH AH.

DAGAALYAHAN DAACISH AH.

(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya waxaa si xawli ah uga socdo dagaal adag oo looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah sida Alshabaab oo gacansaar la leh ururka Al-Qaacida iyo kooxda Daacis/ISIS,dagaaladaan ayaa ka socdo maamuladda Galmudug,H/shabeel iyo Puntland. Dagaalka looga soo horjeedo Argagixisada ayaa waxaa qeyb ka ah saaxibada caalamiga ah ee taageero Soomaliya sida Maraykanka iyo Turkiga oo Soomaaliya ka taageero weerarada Cirka ah ey gaystaan Drones-ka,hadaba weerar xalay oo Arbaca ahayd ka dhacay Buuraha Galgala ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa waxaa fuliyey ciidamadda uu tababaray Maraykanka ee Danab ey wehliyaan Drones-ka iyo ciidamadda lugta ee dalka Maraykanka,ujeedka weerarka xalay dhacay ayaa ahaay in lagu soo qabto amaba lagu dilo nin Daacish u qabilsanaay u fududeynta kooxda laguna magacaabay Bilaal Al-Sudani,waxa eyna ciidamada Maraykanka ee qaaday hawlgalka sheegeen in la dilay Bilal Al-sudani iyo tobaneeyo kale kana tirsanaay kooxda Daacish.

ISHA WARKA GUARDIAN

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

AWOOWIHIIS AYEY HORAY U DILEEN ISAGANA…

Next
Next

XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA…