HARAAGII JIRKII ASKERI REER URDUN AH 54-SANO KA HOR DHINTAY OO LA HELAY.
Haraagii askeri reer Urdun ah jirane konton iyo afar sano(54),garaarsan qorigiisa dagaalka iyo minididiisii ayaa laga helay meel laga qodaayey god korontada la marsiiyo una dhaw buuraha Qudus maalintii khamiista,sidoo kale waxaa godka laga helay qalfooftii askeriga,sanduuq rasaas ah iyo xoogaay bambooyin ah,qalfoofta la helay ee askeriga ayaa ah mid ku dhintay dagaalkii dhexmaray Carabta iyo Isra’iil ee loo yaqaan dagaalkii lixda beri sannadkii 1967-dii,arrinta askerigaan ayaa waxaa baahiyey channelka-12-aad ee wararka,goobta laga helay qalfoofta askeriga Urdunka ah ayaa waxaa halmar ku dhintay sodon iyo lix askeri(36) oo reer israa’iil ah iyo todobaatan iyo koow askeri oo Urdun ah dagaalkan ayaa dhacay bishii Juun-1967-dii waane konton iyo afar sano ka hor.Dagaalka ka dhacay Qudus ayaa waxa lagu dilay 182-askeri oo reer Israa’iil ah.XIGASHO MEE.