HALKEE AYU KU DAMBEYEY CUMAR AL-BASHIIR?
DUQEYN KU SOCOTO GOOBAHA EY FADHIYAAN CIIDAMADA(RSF) EE KHARTUM.
(SUDAN)-Dalka Sudan waxaa ka socdo dagaal u dhexeeyo laba jineraal oo shalay ahaay saaxibo meel uga soo wada jeestay ridida Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir,labadaan Jineraal ayaa kala ah Gen.Burhan oo hogaaminaayo ciidamadda Dawladda Sudan(SAF) iyo Gen.Xumaydeyt oo hogaaminaayo ciidamada Gurmadka deg dega ah(RSF),sababta keentay in labadaan Jineraal fooda isgeliyaan ayaa lagu sheegay dano shaqsi iyo boobka hantida dalka Sudan ee uu ugu horeeyo Dahabka ceegaago Daarfuur,laakinse gacan ka hadalka soo deg degay ayaa waxaa sabab u ahaay ciidamada Xumaydeyt oo isku dayey ineey xoog ku qabsadaan garoonka diyaaradaha ee Marwa’a ee ku yaalo caasimadda Khartuum toban maalmood ka hor. Dagaalka ayaa sababay in la boobo hanti shacab leeyahay iyo mid dawladeedba waxaase ugu xun in la jabsaday Xabsiyadii dalkaasi oo ey ka buuxeen dad gaystay fal dembiyedyo lagu xukumay, Ex.MW-Al-Bashiir loona haystay inuu galay dembiyo lid ku ah bani’adanimada ayaa ka mida maxaabiista la la’ayahay meel ey cirib iyo jaan dhigeen waxaane la tuhunsan yahay Gen.Burhan inuu meel ku ogyahay Al-Bashiir waayo waa ey soo wada shaqeeyeen,hadaba arrintaan ku saabsan Al-bashiir ayaa waxaa wax ka qoray dhawr wargays oo caalami ah.
ISHA WARKA MEE.