HAADI MADHAR WAA WIILKII SHALAY MINDIDA….

SAWIRKA HAADI MADHAR OO CIDAMADU WADAN.

(NEW YIRK)-Sida aan shalay oo Jimca ahayd idinla wadaagnay waxaa weerar loo adeegsaday Mindi lagu qaaday ninkii qoray buugii AAYADAHA SHEYDAANKA Salmaan Rushdie waxaane Salman soo gaaray dhaawac waxa uuna weli ku jiraa Isbitaalka ilaa maanta oo Sabti ah ka dib markii eey soo gaareen dhaawacyo aad u culus uuna la il daran yahay.Salman waa 75-jir dhuumasho ku jiray muddo dhan 34-sano waxaane lacag dul dhigtay dawladda Iraan waqtigii uu xukumaayey Ayatulaahi Al-khumayni,waxa uuna Salmaan hadda la liitaa dhaawacyadii shalay soo gaaray,sida eey sheegeen takhatirrta daaweyneyso Slamaan waxaa dhaawacyo culus eey ka soo gaareen Beerka,Dareen wadayaasha,Gacan iyo inuu beelay hal il oo ka mida labadiis indhood waxane hadda ku rakiban qalabka dadka siiyo Oxygen-ta. Haadi Madhar waa 24-jir waane ninka weeraray Salmaan Rushdie shalay oo Jimca ahayd, Haadi ayaa ku casuumanaay xafladda uu Salmaan hadalka ka jeedinaayey waxa uuna xafladda uga yimid gobolka New Jersy oo deris la ah gobolka falku uu ka dhacay ee New York. Haadi Madhar ayaa la sheegay inuu yahay nin ku dhashay dalka Maraykanka qoyskiisana eey kasoo jeedaan dalkaasi Libanaan oo aan ognahay ineey ku badan yihiin Muslimiinta Shiicadda.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

QAXOOTIGA SUURIYA OO DIB U SOO…

Next
Next

MADAXWEYNE SIISI OO ISKU SHAANDHEYN…