GOOBTII GANACSI EE LAGU XIRO AMAR ALSHABAAB DIB LOOMA FURI DOONO.

GUDOOMIYE MADAALE.

(MUQDISHO)-Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishaan Sebtembar/7/2022-ka waxa uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),gudoomiye Madaale magacaabistiisa ayaa waxaa ka dhashay muran badan oo salka ku haayo cidda mudan in loo magcaabo xilkaan balse muranka ayaa markii dambe waxaa loo xaliyey hab ku saleeysan awood qeysiga beelaha dega Caasimadda Muqdisho.Magacaabidda Gudoomiye ayaa waxaa soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macallin Fiqi taaso uu aqbalay Madaxweyne Xasan Sheekh. Gudoomiye Madaale oo maanta ka hadlaayey munaasabad lagu muujinaayey doorka haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin Nabadda iyo la dagaalanka Xagjirnimada kana dhacday Muqdisho,gudoomiyaha ayaa goobta ka sheegay arrimo ku wajahan dadka la macaamilo kooxda Alshabaab gaar ahaan Ganacsatada qaadata amarada kooxda Alshabaab sida ineey goobahooda ganacsi ku xiraan amar Alshabaab siisay iyo ineey cadaalad u doontaan maxakamadaha Alshabaab.

ISHA WARKA ALLBANAADIR.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

77-QOFOOD OO LA HELAY MEYDADKOODA.

Next
Next

WEERAR LOO ADEEGSADAY MINDI OO KA DHACAY…