GOLAHA SARE EE LIBIYA OO DOORTAY HOGAAN…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNIHII HORE EE GOLAHA SARE EE DALKA LIBIYA KHALID MASHRI.
(TRIPOLI)-Xubnaha Golaha sare ee dalka Libiya ayaa maanta oo Axad ah doortay Maxamed Takalah inuu noqdo Madaxweynaha Golaha Sare ee dalka Libiya isaga oo bedeli doono Khalid Al-Mashri,Maxamed Takalah ayaa helay codad dhan 67-cod halka uu Khalid helay 62-cod wareegii labaad,waxaane iney codeeyaan loo diiday laba xubnood,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda wararka Reuters. Hogaanka Golaha sare ee dalka Libiya ayaa waxaa u tartamay afar Musharax kalana ah”Khalid Mashri,Maxamed Takalah,Naaji Mukhtaar iyo Naciima Al-xaami”,waxaa kaloo isla goobta lagu doortay laba ku xigeen,ku xigeenka koobaad sida caadiga ah waxaa iska leh reer koofurka ah waxaane u tartamaayo “Mascuud Cubayd,Dahir Makni,Maxamed Al-hadi,Maama Suleymaan iyo C/mudhalib Baqsi”,ku xigeenka labaad ayaa waxaa tartamaayo lix qofood kalana ah”Najaah Sharafudiin,C/fataax Xamluus,Cali Al-suweeylax,Axmed Yacquub,C/lah Jawaan iyo Balqiis Dabraz”. Golaha sare ee dalka Libiya ayaa la aas-aasay Disembar-2015-kii waxaane madax ka soo noqday C/raxmaan Al-suweylaxi waxa uuna C/raxmaan hogaanka ku guulaystay laba jeer oo isku xigta ka dib waxaa ka adkaaday Khalid Al-Mashri oo xilka soo haayey afar xili oo isku xigta.
ISHA/SB-MEDIA.