GOLAHA AMAANKA QM OO ANSIXIYEY QARAAR…
(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.
(NEW YORK)-DAGAALKA GAZA: Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa meel mariyey Qaraar laga sameyey Marinka Gaza ayadoo dalalka Maraykanka iyo Ruushka ey ka maqan yihiin Golaha. Qaraarka ayaa ku baaqayo in la abuuro shuruudo lagu joojinaayo dagaalka Gaza ka dib markii uu dib u dhacay muddo todobaada ah si looga fogaado diidmada Qeyxan(VETO) ee dalka Maraykanka. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu Ansixiyey Qaraar Milan kuna baaqaayo in kor loo qaado Gargaarka Bani’adanimo ee Marinka Gaza iyo in la qaado talaabooyin deg deg ah si loo abuuro shuruudo lagu joojinaayo colaada u dhexeyso Xarakada Xamaas iyo Isra’iil. Ansixinta Qaraarka ayaa timid ka dib markii uu muddo todobaada uu dib u dhacay iyo wada hadalo xoogan oo dhinacyada u socday,diblomaasiyiinta oo doonaayey iney ka fogaadaan diidmada Qeyxan ee dalka Maraykanka waayo dalka ayaa waxa uu ka mid yahay shanta dal ee Xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe,Qaraarkaan la gaaray maanta ayaa ku soo beegmaayo ayada oo ey ka sii dareyso xaaladda bani’adanimo ee haysata dad reer Gaza iyo weerarada cirka ey qaadayaan diyaaradah dagaalka Isra’iil. 13 xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee Golaha ayaa u codeeyey Qaraarkan oo ey soo diyaarisay dawladda Imaaraatka Carabta halka dalalka Maraykanka iyo Ruushka ey ka aamuseen Qaraarkan eyna ogolaadeen in la meel mariyo Qaraarkan. Si looga fogaado diidmada Qeyxan ee dalka Maraykanka diblomaasiyiintu waxa ey bedeleen qaabkii uu u qornaay Qaraarka kaaso ahaay mid ku baaqaayey in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Marinka Gaza. Talaabadaan ayaa waxa si aad ah uga carooday dalalka Carabta iyo wadamadda Muslimiinta.
ISHA/MEE.