GAZA OO EY WELI KU SOCDAAN WEERARADA CIRKA.

(SAWIRKA)-SHACAB KA BARAKACAAYO MARINKA GAZA.

(MARINKA-GAZA)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) 7/10/23-ka waxaa dhibaato aad u ba’an ey soo gaareysay dadka rayidka ah ee ku noolaay Marinka Gaza qeybihiisa kala gedisan,dhibaatada weli ka taagan Marinka Gaza ayaa ah mid sii socota waayo waxaa weli joogsan weerarada dhinaca cirka ah ey diyaaradaha Isra’iil ku qaadayaan Marinka Gaza si aan kala sooc lahayn. Si loo joojiyo weeradaan cirka loona badbaadiyo shacabka Gaza ku go’doonsan ayaa waxaa dhacay isku dayo fara badan oo lagu joojinayo weeradaan cirka balse Isra’iil ayaa arrinkaasi ka dhega adeegtay soona istaagtay in marka hore la sii daayo dadka lagu haysto Gaza,hadaba Wargaysyada Carabta ayaa maalin walba waxa ey soo bandhigaan tira koobka dhimashada ee Marinka tira koobkii ugu dambeeyey ey soo saaraan ayaa sheegaysa sidan: Dhimashada Guud waa 9488-qofood,waxaa Caruur ah 3900-qofood,waxaane Dumara ah 2509-qofood,waxaane Dhaawac ah 24,158-qofood,waxaane la la’ayahay tiro dhan 3.079-qofood.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

BANAABIXI UGU WEYNAAY OO SHALAY KA DHACAY WASHINGTON DC.

Next
Next

MARINKA GAZA OO AAN LAHAYN WAX ISGAARSIIN AH.