GARYAQAN CASIM GAFOR OO…
CAASIM GOOFAR.
(DUBAI)-Dalka Imaaraatka Carabta Midoobay(UAE) ayaa xukun ku riday nin u dhashay dalka Maraykanka ahaayne garyaqaankii hore ee u doodaayey saxafigii u dhashay dalka Sacuudiga Jamaal Khaashoggi ee lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda dalka Sacuudiga ku leeyhay dalka Turkiga sannadkii 2018-kii. Garyaqaan Caasim Goofar ayey Imaaratku ku xukumeen xabsi dhan seddex sano ka dib markii lagu soo eedeyey isdabamarin lacageed iyo inuu la baxsaday canshuurta dalka,waxaane Caasim lagu ganaaxay lacag dhan sideed boqol iyo lix iyo toban kun iyo todobo boqol iyo afartan iyo sideed($ 816,748) doolarka Maraykanka ah,warar ayaa sheegaayo garyaqaan Caasim in loo gudbin doon dalka Maraykanka.
ISHA WARKA WKAALADO.