GARGAAR LA GAARSINAYO MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-HOOYO KU DUL OOYNAYSA MEYD.

(NEW YORK)-Madaxweynaha dalka Masar C/fataax AL-Sisi iyo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa isku afgartay ayagoo kuwada hadlay khadka talefoonka in kaalmo bani’adanimo la gaarsiiyo Marinka Gaza sida lagu xaqiijiyey qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Masar waqti dambe oo maanta ah. Afhayeenka Madaxtooyada dalka Masar ayaa sheegay in labada dal ey isku dubaridayaan sidii loo habayn lahaay samafalka caalamiga ah ey dusha kala soconayso Qaramada Midoobe si loo hubiyo amniga iyo gaarida goobaha looga baahan yahay gargaarka,arrintaan ayaa imaanayso saacado uun ka dib markii uu dalka Maraykanka uu adeegsaday diidmada Qeyaxan ee (VETO) qaraar uu Golaha Amaanka Qaramada Midoobe ugu yeeray “Joojinta dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakada Xamaas loona ogolaado in kaalmada bani’adanimada gaarto Marinka Gaza”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

1,500-CARUUR AH AYAA KU DHIMATAY GAZA.

Next
Next

WAA MAXAY SABABTA MARAYKANKU U SAARAY VETO…?