GANACSADE CARBEED OO TAAGEERAY…

(SAWIRKA)-GANACSADE MASSAD BOULOS.

(WASHINGTON)-Wargayska London ka soo baxo ee The New Arab kana hadlo arrimaha Adduunka Carabta ayaa waxa uu is weydiiyey su’aal ah”Waa kuma Maalqabeenka reer Lubnaan ee Donald Trump ka caawiyey inuu dib ugu soo laabto Aqalka Cad?”. Ganacsadaha u dhashay dalka Lubnaan ee lagu magacaabo Massad Buolos oo sodog u ah gabadha uu dhalay Trupm ee Tiffany Trump ayaa ka faa’iideystay xiriirka uu la leeyahay bulshooyinka Carabta Maraykanka si uu taageero ugu muujiyo Donald Trump. Massad Boulos oo ah Ganacsade u dhashay dalka Lubnaan ayaa u dhaqmay sidii mid ka mid ah Ergada muhiimka ah ee Donald Trump u diray bulshada Carabta Maraykanka inta lagu guda jiray wareega Doorashada-2024-ka,isagoo ujeedkiisu ahaa sidii uu u xaqiijin lahaa taageeradooda ololaha Doorashada Madaxtinimo ee Trump ee 2024-ka,iyagoo inta badan ka guuray Xisbiga Dimuqaraadiga sababo la xiriiro dagaalka Marinka Gaza iyo Lubnaan.

ISHA-NA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

SEDDEX MUSHARAX OO U TARTAMAY AQALKA WAKII…

Next
Next

CIRAAQ IYO MARAYKANKA OO KA HADLAY…