FURIINKA DUMARKA MUSLIMIINTA EE DALKA MARAYKANKA.

MUSLIMIINTA MARAYKANKA.

(USA)-Dalka Maraykanka waxaa ku nool Muslimiin aad u fara badan isagana kala yimid adduunka dacaladiisa,Muslimiinta ayaa ku kala nool kontonka gobol ee dalkaasi Maraykanka waxaane dhexmara guur ayaga dhexdooda ah ayadoo guurkaasi loo maraayo jidka saxda ah ee Diinta Islaamka qabto. Hadaba sheekadaan ayaa waxa eey ku dhacday gabar Muslimad ah lana sheegin dalka eey asal ahaan ka soo jeedo waxaane magaceeda lagu soo koobay Imaan. Imaan waa afar iyo labaatan(24)-jir markii uu soo furay ninkii qabay waxa eeyna ninka soo furay Imaan ku sifeeysay inuu ahaay nin aflagaado badan jecelna inuu maskaxda ka xukumo waxa eeyna Imaan intaas raacisay inuu jiro hal walax uu si sax ah u sameeyey ninka ayada furay taaso ah inuu ayada furay. Labada qoys eey ka soo kala jeedaan wiilka iyo gabarta kala tegay ayaa waxa eey dadaal ugu jiraan in dib loo soo celiyo nolosha qoyska dumay laakinse Imaan waxa eey taagan tahay in ku noqoshada ninkii eey kala tageen eeysan doonayn eeyna rabto ineey dib ugu laabato qoyskeedii eey ka dhalatay,waxaane si aad ah Imaan u taabtay in ninkii eey kala tageen uu u diidan yahay inuu siiyo Meherkeedii lagu heshiiyey kaasoo dhan($25,000) shan iyo labaatan kun oo doolarka Maraykanka ah,dhinaca kale Imaan ayaa ah midaan dhammaysan tacliinteedii dhinaca Jaamicadda oo waxa eey guursatay ka dib markii eey dhammaysay dugsiga sare.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

ISRAEL OO BAHDISHAY DALXISAYAL AH UAE.

Next
Next

DAACISH OO ASKAR KU DISHAY DALKA..