SURIYA OO LAGU QABTAY SARAAKIIL DAD LAAYSAY.

(TADAMON-SYRIA)- Ciidamada Ammaanka ee dalka Suuriya ayaa maanta oo Isniin ah sheegay iney xireen saddex qof oo ku lug lahaa xukun dil ah oo ey Ciidamada Dowladdu ku fuliyeen boqollaal qof oo Rayid ah magaalada Dimishiq sannadkii 2013-kii, laba sano ka dib markii uu dalkaas ka billowday dagaallada sokeeye ee 13-ka sano ah. Tobaneeyo baabuur oo Booliis iyo kuwa Nabadsugid ah ayaa isugu soo baxay Waddooyinka magaalada Tadamon, oo ku taalla duleedka magaalada Dimishiq ee u dhow Xerada Qaxootiga Falastiiniyiinta ee Yarmuuk, halkaas oo ey dadkan ka fuliyeen isla waddooyinkaas oo ey marqaati ka ahaayeen dilal wadareedyo. Rag wejiyada u duuban, oo qoryo sita ayaa dhex wareegay dhismayaal godan, haraadigii dagaalladii degmada ka dhigay jiidda hore ee Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga Mucaaradka ah. Sannadkii 2022, muuqaal la faafiyay oo ku taariikhaysnaa Abriil 16, 2013, ayaa u muuqday inuu ka kooban yahay muuqaallo naxdin leh oo ku saabsan fulinta. Muuqaalkan oo socday todobo daqiiqo ku dhawaa ayaa waxa uu soo bandhigay xubno ka tirsan laanta Sirdoonka Millatariga ee Suuriya ee 227 oo Hogaaminaya saf ka kooban ilaa 40 Maxbuus oo indho shareeran, Gacmahoodana ey dhabarka ku xiran yihiin oo galay dhismo laga tagay oo ku yaala Tadamon. Dableyda ayaa mid mid u riixday ama laad ku dhufatay Maxaabiista oo ey ka buuxaan taayaro duug ah, iyagoo toogtey markii ey dhaceen.
Mid ka mid ah saddexda nin ee la xiray ayaa ahaa Monzer Al-Jazairi, oo deggan Xaafadda Zahira, horeyna uga tirsanaan jiray Ciidamada Ammaanka ee ka howlgalayay ka hor dhicitaankii Bashaar Assad December 2024. Ma cadda in Al-Jazairi, oo ay garab taagan yihiin niman Nabad-sugid ah, sida uu hadalka u dhigay, uu u hadlayay si qasab ah iyo in uu iskii u hadlayay. "Koox kastaana waxa ey ka koobneed ilaa 25-qofood," ayuu yidhi, isagoo raaciyay "Qiyaastii hal toddobaad" waxay u dhaxaysay hal dufcadood iyo kan xiga. Wuxuu ku qiyaasay in isaga iyo asxaabtiisa ey dileen "ku dhawaad ​​500" qof.
Taliyaha Ammaanka Dimishiq, Lt. Col. Abdul Rahman Al-Dabbagh, ayaa xaqiijiyay tiradaasi, isaga oo cuskaday qiraal dheeraad ah oo ka yimid dadka la xiray. "Qaar badan oo ka mid ah kuwa la dilay waxaa lagu uruurin jiray isbaarooyinka iyo Xarumaha Ammaanka, waxaana la keenay Xaafadda Tadamon, halkaasoo lagu toogtay," AL-Dabbagh ayaa u sheegay AP. Labada qof ee kale ee la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Somer Mohammed AL-Mahmoud iyo Imad Mohammed Al-Mahmoud. Sannado ka dib dagaalkii Suuriya xasuuqii ugu xumaa iyo dad badan oo la la'yahay, inta badan dambiyada la sheegaa lama baarin oo aan la ciqaabin.
Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad, Ciidamada Ammaanka ee dalka Suuriya oo uu Hoggaaminayo Hoggaanka cusub ee kooxda Hayat Taxriir Al-Shaam, waxay ku raad-joogeen oo xir-xireen haraagii dowladdii hore iyo Milateriga dalkaas oo dhan.
"Howlgalku waa uu socdaa si loo soo qabto dhammaan kuwa ku lugta leh Xadgudubyada iyo Xasuuqa ka dhanka ah Suuriya," ayuu yiri Al-Dabbagh.

ISHA-AN.

Previous
Previous

DUUGTA SHEEKH XASAN NASRALLAH OO BEYRUUT KA..

Next
Next

SACUUDIGA OO GO’AAN KA SOO SAARAY CUMRADA IYO XAJKA-1446-H.