WAA EEY SOO MAREEN KHATARTA BADDA CAS HADANA WAXAA YAMAN KU SUGAAYO AJASHA.

5760.jpg

Dalka Yaman ee deriska la ah Soomaaliya dhinaca badda ayaa waxaa sannad walba u tahriibo dad fara badan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayagoo sii mara badda cas,inta badan dadkaan ayey Yaman u tahay halka eey uga sii gudbaan dalka boqortooyadda Sacuudiga halkaas oo eey u arkaan meel eey ka heli karaan shaqo mushaarka ka soo galo eey ku maareeyn karaan noloshooda iyo tan dadkii eey ka soo tageen oo eey hayso dhibaato dhaqaale,inta badan dadkaan u tahriiba Yaman ayaa waxa eey u gacan galaan dad manaxayaal ah kuna jinsi ah balse dalaal u ah dadka wax tahriibiyo ee u dhashay dalka Yaman waxaanaba dhacda in baaburta lagu qaado dadkaan laga buuxiyo maadooriyeyaal loo iib geeyo dalkaasi Sacuudiga oo haddii la qabto eey mutaysan karaan in lagu xukumo dil toogasha ah,haween ka mida tahriibayaasha gaaray dalka Yaman una dhalatay dalka itoobiya lana yiraahdo Tigrit ayaa tiri'“ Sacuudigu waa meel aan ka helaayo shaqooyinka adeegtanimo iyo mid nadaafadeed lacagta iga soo gashana waxaan dib ugu diraa ninkeeyga iyo gabarteeyda yar” hadalkeedii ayey sii wadatay waxa eeyna tiri” waxa aan ku xanibanay halkaan(Yaman) oo ma haysto cunto aan cuno iyo lacag aan ku gato lafta taleefoonka si aan ula xiriiro gurigaygii,ma jiraan waxaan haysto” XIGASHO THE GUARDIAN.

HALKAAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

MASAR OO HAGAAJINAYSA XIRIIRKA SOOM…

Next
Next

HANTI DHAWRAHA SOOMAALIYA OO QAADAY..