FARANSIISKA IYO ISRA’IIL OO EY KA DHEX TAFATAY.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA FARANSIISKA.

(QUDUS)-Booliska Isra’iil ayaa khamiistii hub la galay Kaniisad uu Faransiiska leeyahay oo ku taala Magaaladda Qudus,waxayna Booliska Isra’iil muddo kooban xireen laba nin oo ah ciidanka ilaalinaayey Kaniisadda kana tirsan ciidamadda dalka Faransiiska ee Gender-marines-ka. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Faransiiska Jean-Noel Barrot oo ka tanaasulay qorshihii uu ku booqan lahaa Kaniisadda ey wax ka dheceen awgeed, ayaa sheegay in loo yeeri doono Safiirka Isra’iil u fadhiya dalka Faransiiska. Wariye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in Booliska Isra’iil ey khamiistii galeen Kaniisad uu leeyahay Faransiiska taaso ku taal magaaladda Qudus,iyagoo muddo kooban xiray laba nin kana tirsan ciidamada Gender-ka,taasi waxa ey keentay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Noel Barrot uu isaga tago booqashadii loo qorsheeyey.

ISHA-FRANCE-24.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

XAMAAS ISKA DIIDAY IN LAGA ERYEY DOOXA.

Next
Next

SUUDAAN OO KU EEDEYSAY IMAARATKA CARABTA INUU…