FADHIGA CARABTA OO LA ISKU KHILAAFAY.

(SAWIRKA)-FADHIGA JAAMICADDA CARABTA 21/10/23-KA.

(QAHIRA)-Ururka Jaamicadda Carabta ayaa ah urur ey ku mideysan yihiin dhammaan wadamadda Carabta,ururkaan ayaa fadhigiisu yahay magaaladda Qaahira ee ah caasimadda Masar,waxaa maanta oo Sabti ah halkaasi ka dhacay shir ey isugu yimaadeen madaxda wadamada Carabta iyo masuuliyiin ka socotay Midawga Yurub,sida laga soo xigtay ilo siyaasadeed una waramay Wargayska Carabta Cusub ayaa sheegay in la isku khilaafay soo saarida Bayaanka Gabagabada shirka Qaahira,shirkaan ayaa looga hadlaayey dagaalka Gaza. Waraka ayaa sheegayo in koox Carbeed oo shirka ka qeybgashay iyo masuuliyiin reer Yurub ah martina ku ahayd shirka ayaa isku qabtay uuna soo kala dhexgalay khilaaf xoogan kuna saabsan bayaanka laga soo saarayo shirka maanta gaar ahaan waxaa la isku qabtay erayga ah Israa’iil waxa ey xaq u leedahay iney difaacdo nafteeda iyo eedeyn loo jeedo Xarakada Xamaas,arrintaan darteed waxaa Qaahira isaga tegay Amiirka Qadar Tamiin mana uusan ka hadlin fadhiga Qaahira.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO,

Previous
Previous

GAZA OO BERRI HELI DOONTO KAALMO KALE.

Next
Next

GEN.PETRAEUS OO U DIGAY ISRA’IIL.