DRONES-KA OO LAGU DAABULO DAROOGADA.
DRONES-KII WADAY DAROOGADA.
(DIMISHIQ)-Dadka intiisa badan waxa ey maqlaan diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka ayaa duqeeyey meel hebel laakin maanta sheekada taas waa ey ka duwan tahay oo waxaa soo baxay warar sheegaayo in diyaaradaha Drones-ka loo isticmaalo in lagu daabulo Daroogada,arrintaan ayaa waxa ey ka dhacday dhulka xuduudka ah ee u dhexeeyo dalalka Suuriya iyo Urdun waxaane dhacday in diyaarad ah Drones ey ku dul dhacday guriga Abu Khamsini Al-Suri Abu Ra’id oo u dhaw dugsiga Abu Qandhara oo ku yaalo magaaladda Til-shihaab ee tuulada Radca sannadkii 2022-kii,guriga ey ku dul dhacday diyaaradda Drones-ka ah ayaa waxaa xoog ku galay rag hubaysan oo watay bacyaal mad madaw waxaane la weriyey in ragaasi ey halkaasi ka soo qaateen Maandooriye aan la sheegin Magaciisa.
ISHA WARKA ARAB.