DOORASHOOYINKA LIIBIYA EE SOO SOCDO.

(SAWIRKA gUDOOMIYE CAQIIL.

(BENGAZI)-Fadhi uu yeeshay Golaha Shacabka dalka Libiya maanta oo Isniin ah ayaa looga hadlay arrimo la xiriiro doorashooyinka ka dhacaayo dalka Libiya,Golaha ayaana soo saaray go’aano sharciyeed ku saabsan doorashooyinka Madaxweyne iyo tan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku Xigeenadiisa waxaane arrintaan isku waafaqay xubnaha Gudiga(6+6). Dhammaan xubnaha ka qeybgalay shirka ayaa iska dhex doortay gudi u xilsaaran qabashada codsiyada Musharixiinta u kala sharaxan xilalka Madaxweynaha iyo kan Gudoomiyaha Baarlamaanka. Golaha oo maanta fadhiistay xaruntiisa ku taalo magaaladda Bengazi ayaa waxaa shir gudoominaayey Gudoomiye Caaqil Saalax waxaane fadhiga looga hadlay sharciyadda Doorashooyinka Madaxweyne iyo tan Gudoonka Baarlamaanka iyo sidii loo soo saari lahaay jadwalka doorashooyinka.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SUURIYA OO ISKA DIIDAY INEY XIRIIRKA LA SOO…

Next
Next

NABADA GEESKA AFRIKA WAA SIDEE?