DIYAARADAHA MARAYKANKA OO MAR KALE WEERARAY XUUT..
(SAWIRKA)-MARKABKA QAADA DIYAARADAHA EE MARAYKANKA.
(YEMAN)-Ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay duqeymo ka fuliyeen magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen iyo deegaanada kale ee ay Xuuthiyiinta maamulaan ayaa Mareykanka waxa uu dib u soo cusboonaysiiyay duqeymaha uu la beegsanayo fariisimaha Xuutiyiinta. Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa sheegtay in habeenkii Talaadada in dhowr deegaan oo Yemen ah oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta ay Iran taageerto ay ka dhaceen duqeymo hor leh oo Mareykanka uu ka geystay. Waxa ay sheegtay in duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay deegaanka Takhiya oo ka tirsan degmada Majaz ee Gobolka Sacda ee Waqooyiga dalkaasi. Dhanka kale, goob joogayaal ayaa sheegay in Sacda lagu qaaday "Saddex Weerar," sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse.
XAJAH IYO XUDEYDA:
Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa intaa ku dartay in 4 duqeymo oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay la beegsadeen deegaanka AL-Casaayidyid oo ka tirsan degmada AL-Safra’a ee Sacda, iyo deegaanka Buxays oo ka tirsan degmada Miidi ee Gobolka Xajah ee Waqooyi galbeed dalka Yemen. Waxa ay intaa ku dartay in duqeymaha Mareykanka ay ka fuliyeen bariga magaalada Xudeydah ee Galbeedka dalkaasi, oo ay ku jiraan “Laba weerar oo xagga cirka ah oo lala beegsaday dhismaha Naadiga AL-Ahly ee degmada Miina’a”. Dhanka kale Taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM ayaa soo bandhigay muuqaalo cusub oo ku saabsan duulaanka lagu qaaday Goobaha Xuuthiyiinta.
WEERARKII AFARAAD OO LAGU QAADAY MARKAB LAGA LEEYAHAY MARAYKANKA:
Iyaga oo ka jawaabaya, Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqay horaantii Arbacada in ay Gantaallo nooca cruise-ka ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku qaadeen Markabka qaada diyaaradaha ee uu Maraykanku iska leeyahay oo marayey Badda Cas, waana Weerarkii Afraad ee ay sheegtaan muddo 72 saacadood gudahood ah. Afhayeenkooda, Yahya Sareex, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Xuutiyiintu ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Badda Cas, iyaga oo u diyaar garoobaya weeraro baaxad leh, iyaga oo ka jawaabaya weeraro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan oo ay la beegsadeen Markabka USS Harry Truman iyo Maraakiib kale oo dagaal. Arrintan ayaa timid iyadoo Gobollada Yemen oo ay ku jiraan Sanca iyo Xudeydah ay habeenkii Isniinta duqeymo ka fuliyeen Mareykanka.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeynta la beegsaday degmada Bajiil ee Xudeyda, iyadoo ay sii dheer tahay Warshad birta sameysa oo ku taalla deegaanka AL-Salif ee isla gobolkaasi. Weeraradan ayaa sidoo kale lala beegsaday deegaanka Jabal Sarf oo ka tirsan degmada Bani-Xisheysh iyo Wadada 60-aad ee Waqooyiga magaalada Caasimada ah ee Sanca.
“DIGNIIN KU SOCOTO XUUTIYIINTA”:
Xuuthiyiinta ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay inay doonayaan inay dib u bilaabaan weeraradooda ay ku hayaan Maraakiibta Israel ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carabta ilaa laga “furayo Marinada” lagana ogolaanayo in Gargaarka la geeyo Marinka Qaza. Isagoo ka jawaabaya kororka Ganacsiga Badda, Mareykanka ayaa bilaabay duqeymo xiriir ah oo dhanka cirka ah oo uu ku qaaday Xuutiyiinta habeenkii Sabtida, isagoo hanjabaado kale u geystay. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale uga digay Iran, isagoo carabka ku adkeeyay "Iney mas'uul ka noqon doonto weerar kasta oo Xuuthiyiinta ah, ayna la kulmi doonto cawaaqib xun." Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ay ku hayso Gaza October 7, 2023, Xuuthiyiintu waxay qaadeen boqollaal weerar oo ay ku qaadeen Maraakiib ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil oo ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Si kastaba ha ahaatee, waxay hakiyeen weeraradan in muddo ah ka dib markii xabbad joojintu ay ka dhaqan gashay Gaza 19-kii Janaayo. Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda difaaca ee Mareykanka Sean Parnell ayaa sharaxay in Xuuthiyiinta ay weerareen "174 jeer Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka iyo Maraakiib Ganacsi 145 jeer tan iyo 2023."
ISHA-AL-CARABIYA.