DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY SURIYA.
(SAWIRKA)-BANAABAX KA SOCDO DIMISHIQ SUURIYA.
(SYRIA)-Wararka ka imaanayo dalka Suriya ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey weerareen garoomada diyaaradaha ee Dimishiq iyo Xalab ee dalka Suriya waqti hore oo maanta oo Axad ah(22/10/23)-ka,weerarada dhacay maanta ayaa sababay iney istaagaan dhammaan shaqadii labada garoon,waane weerarkii seddexaad mudoo toban maalin gudaheed ah. Sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u Faafiso dalka Suriya ee SANA weerarkii maanta ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo shaqaala rayid ah waxaane ku dhaawacmay qof kale,waxa uuna burbur soo gaaray labada jid ey diyaaraduhu ku ordaan marka ey duulayaan taasine waxa ey sababtay iney joogsadaan dhammaan shaqadii labada garoon ee Dimishiq iyo Xalab. Sida laga soo xigtay SANA,Gentaal laga soo riday buuraleyda Goolan ayaa waxa uu ku dhacay Garoonka caalamiga ah ee Dimishiq halka Garoonka Xalab lagu weeraray gentaal ey soo riday diyaarad dagaal oo Isra’iil leedahay kuna sugneed biyaha badda Miditereniyanka una dhaweed halka loo yaqaano Latakiya,labada weerar ee lagu kala qaaday labada garoon ayaa ah kuwa isku xigay lana qaaday 3:35-AM-subaxnimo.
ISHA/ARAB.