DIL KA DHACAY DALKA IRAAN.
SAWIRKA AYATULAHI CABAAS CALI SULEYMAAN.
(TEHRAN)-Ilaalo hubaysan oo ilaalinaayey Bangi ku yaalo Waqooyiga dalka Iraan ayaa si tartiib ah waxa uu gadaashiisa u soo socday caalim dhinaca diinta ah oo Shiica ah ka dibne waa uu toogtay waane uu dilay Ayatulaahi maanta oo Arbaca ah(26/4/23)-ka,sida laga daawaday kaamarada qarsoon ee CCTV kuna dheganeed goobta ey ka dhacday toogashada,inta badan wadaada reer Iraan ayaa la dilaayey intii lagu guda jiray bilihii ey ka jirtay deganaansho la’aanta gudaha dalka Iraan taaso ruxday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan. Dilka Ayatulahi Cabaas Cali Suleymaan ayaa filanwaa waxa uu ku noqday kuwa daawanaayey dilkiisa iyo kuwa arkaayey sida ey u dhacday toogashada iyo guud ahaan bulshada reer Iraan,Ayatulahi Cabaas ayaa ahaay nin ka tirsan golaha khabiirada ee loo soo xushay iney noqdaan hogaamiyeyaasha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga Iraan.
ISHA WARKA AP.