DAWLADDA YEMAN IYO XUUTIYINTA OO IS…

SAWIRKAMAXAABIISTA.

(SANA’A-YEMEN)-Ka dib markii uu dhacay heshiiskii taariikhiga ahaay ee u dhexeeyey wadamadda Sacuudiga iyo Iraan waxaa isa soo taraysay sheeko ku saabsan inuu joogsan doono dagaalka dalka Yeman kaaso ey si dadban isaga soo horjeedeen wadamada Sacuudiga iyo Iraan waayo waxa ey kala taageersanaayeen labada garab ee isku haayo talada dalka Yeman ee kala Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta. Hadaba xukuumadda Yeman iyo kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah(13/4/23)-ka ee inagu soo fool leh ineey is dhaafsan doonaan maxaabiista ey kala qabsadeen intuu socday dagaalka dalka Yeman,isdhaafsiga maxaabista ee labada dhinac ayaa ka dhici doono gobolo kala gedisan oo ka tirsan dalka Yeman. Galabnimadii Sabtida ee la soo dhafay ayey ahayd markii ey magaaladda caasimadda ah ee sanca ey soo gaareen wafdi ka socdo dalka Cumaan oo dhexdhexaadiye ka ah dagaalka dalka Yeman ee sideed jirsaday,waxaa isna Sanca soo gaaray safiirka dalka Sacuudiga u fadhiyo Yeman sii uu uga qeybgalo heshiiska. Maajid Fadel oo ah ninka xukuumadda Yeman u qaabilsan wada hadalka Xuutiyiinta ayaa Tv-ga Al-Carabiya barnaamijka Al-Xadath u sheegay in heshiiskaan uu yahay mid kama dambaysa ah.

ISHA WARKASB-MEDIA.

Previous
Previous

HOGAANKA DALKA YEMAN OO…

Next
Next

EU-DA OO RABTA INEEY KA QAADO…