DALKA SURIYA OO LOO DIIDAY INUU KA QEYBGALO…

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SURIYA AL-MEKDAD.

(QAHIRA)-Gudiga Wasiiradda ee Ururka Jaamicadda Carabta kuna hawlanaay caadi ka yeelida xiriirka Xukuumadda Suriya ee uu hogaamiyo Bashaar AL-asad ayaa la baabi’iyey fadhigiisii ey wakiiladu la yeelan lahaayeen Xukuumadda Suriya, sidaas waxaa qoray Wargayska laga leeyahay dalka Sacuudiga ee Al-Sharqul Awsat iyo Wakaaladda Wararka Ruushka ee RIA. Wargayska Al-Sharqul Awsat ayaa todobaadkii hore qoray in gudiga Wasiirada ee Ururka Jaamicadda Carabta fadhiyadii ey la yeelanaayeen Xukuumadda uu hogaamiyo Bashaar AL-asad uusan dhicin ka dib markii lagu guul daraystay wada hadaladii u dhexeeyey dalalka Libnaan iyo Suriya kuna saabsanay sidii Qaxootiga reer Suriya ee gaarayo boqolaalka kun kuna sugan gudaha dalka Libnaan dib loogu soo celin lahaay dalkooda Suriya,waxaane fashalka arrintaan u sabab ah sida ey sheegtay Al-Sharqul Alwsat MW-Bashaar AL-asad oo diiday inuu gacan ka gaysto juhdiga uu Ururka Jaamicadda Carabta ku bixinaayo sidii loo joojin lahaay ka ganacsiga Maandooriyaha Amphetamine Captagon.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

LIBIYA MA DEGI DOONTAA MUSTAQBALKA?

Next
Next

XABSIYADA DALKA BAXRAYN.