DALKA SACUUDIGA OO KU LUG YESHAY….

MBS IYO PUTIN.

(MOSCOW)-Dalka Ruushka ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu xabsiga ka sii daayey toban ruux oo maxaabiis ah kuwaaso uu ku qabtay dagaalka u dhexeeyo Ruushka iyo Yukrayn ka dib markii uu ninka leh dhaxaltooyada Boqortooyada Sacudiga Maxamed Bin Salmaan uu ka dhex sameeyey dhexdhexaadin sida eey sheegeen masuuliyiin u dhalatay dalka Sacuudiga. Dalka Sacuudiga waxaa ka soo degtay diyaarad sida dad maxaabiis ah lagana soo qaaday dalka Ruushka,maxaabiis ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay toban una kala dhasheen 2-Maraykanka ah,5-Ingiriis ah,1-Sweden ah,1-Korowaat ah iyo 1-Marookaan ah sida eey qortay wakaaladda wararka faafiso ee Reuters. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in maxaabiista la soo daayey eey qeyb ka yihiin maxaabiis isdhaafsi ka dhexeeyo dalalka Ruushka iyi Yukrayn.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DACWAD CULUS AYAA LOO HAYSTAA 47-QOFOOD OO SOMALI-MARAYKAN AH.

Next
Next

DALAK QADAR OO SI KU MEEL GAAR AH…