DALKA QADAR OO XABSIGA U TAXAABAY….
QADAR-2022-KA.
(DUBAI)-Dalka Qadar ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan dad gaaraayo lixdan(60)-qofood oo shaqaale ajnabi ah,shaqaalahaan ayaa ka banaanbaxayey dhawr bilood aan la siin wax mushaar ah ayadoo seddex bilood uun inaga xigto qabashada tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee sannadkaan 2022-ka eeyna martigelinayso dawladda Qadar. Ma aha markii ugu horeeysay eey dawladda Qadar xirto amaba eey handado dadka ah shaqaalaha ajnabiga ah oo hadda ka hor waxa eey xireen nin u dhashay dalka Kenya oo wax ku qoray Twitter-kiisa kagana hadlay dhibaatada lagu haayo shaqaalaha ajnabiga ah kuna sugan dalkaasi Qadar.
ISHA WARKA AP.