DALKA MASAR OO ISAGA BAXAY SHIRKII U…

SHIRKI JAAMICADDA CARABTA.

(QAAHIRA)-Dalka Masar ayaa isaga baxay fadhigi eey Qaahira ku leeyihiin Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamicadda Carabta maanta oo Talaada ah,dalka Masar ayaa ka soo horjeedo qabashada dalka Liibiya uu qabanaayo hogaanka shirka 158-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamicadda Carabta waayo xukuumadda Masar ma aqoonsana dawladda hadda ka jirta dalka Liibiya ee uu hogaamiyo RW-C/xamiid Dbeibah taaso uu caalamku aqoonsan yahay,Wasiiradda Arrimaha Dibadda Liibiya Hajla Al-Mangush ayaana la wareegtay hogaanka fadhiga 158-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamicadda Carabta ee hadda si rasmi ah uga socdo magalaada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Dalka Masar,Imaaraatka Carabta iyo dalka Turkiga waxa eey ka mid yihiin dalalka lugta kula jiro arrimaha siyaasadda dalka Liibiya oo waxa eey kala taageeraan xukuumadda hadda ka jirta dalka Liibiya ee uu hogaamiyo RW-C/xamiid Dbeibah iyo ninka ka soo horjeedo ee la yiraahdo Bashagha oo dagaal ku qaaday magaaladda caasimadda ah ee Tripoli todaabkii tegay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MASAR OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY…

Next
Next

WEERAR KA DHACAY DALKA YEMAN.