DALKA MASAR: MACALLIN DILAY ARADAYADIISA.
DUGSIGA HOOSE EE GABDHAHA.
(QAAHIRA)-Dhimashada gabar yar oo ardayad ah ayaa timid ka dib markii macallinkeeda uu UL Alwaax ah uga dhuftay Madaxa markii eey si khaldan u higaadisay jumlo Carabi ahayd ayaa waxa eey abuurtay caro baahsan iyo in macallinka dilay ardayadiisa la horkeeno cadaaladda. Basmala Osama Ali oo ahayd ardayad dhigata dugsiga hoose Taranis Al-Carabi ee gobolka Daklahiya ee dalka Masar,Basmala ayaa isbitaalka ku jirtay muddo dhan sideed maalmood ayada oo la xanuunsaneed dhiig kaga furmay maskaxda ka hor inta eeysan dhiman maalintii Axada ee la soo dhaafay.
ISHA WARKA MEE.