DALKA LIIBIYA OO YEELAN DOONO..
AQALKA WAKIILADA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Baarlamaanka dalka Liibiya ayaa ansixiyey in la dhiso Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka Liibiya si loo dejiyo siyaasadda dalkaasi Liibiya oo in muddo ah kacsaneed siyaasadiisa iyo joojinta dagaalka halakeeyey dalkaasi Liibiya. Maanta oo Talaada ah aqalka wakiiladda dalka Liibiya uu fadhigiisu yahay Bariga dalkaasi ayaa ansixiyey in la dhiso Maxkamad Dastuuri ah ka dib markii loo qaaday cod si kastaba arrintaan cusub ayaa keeni karta inuu dhaco iska hor imaada dhex mara labada kooxood ee isku haayo talada dalkaasi,kooxda fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli ayaan marnaba ogleyn arrintaan ey wadaan kooxda iyaga ka soo horjeedo.
ISHA WARKA AA.