DALKA CUMAAN OO UGA DIGAY MAWADHINIINTISA..
SULDAANKA CUMAAN.
(CUMAAN)-Sida eey sheegtay warbaahinta dalka Cumaan maanta oo Axad ah,118-qofood una dhashay dalkaas Cumaan ayaa dib loogu soo celiyey dhalashadoodii lagala noqday sida uu amray Suldaanka dalkaas Cumaan Haytam Bin Dhaariq,amarkaan ayaa soo baxa 30/5/22-ka waxaane lagu daabacay wargayska rasmiga ah kuna hadlo afka xukuumadda Cumaan. Wargayska ayaa lagu sheegay oo kaliyah in Jinsiyadda dalka Cumaan dib loogu celiyey kuwa uu magacyadooda ku soo baxay wargayska,waxaane mawaadhiniinta u dhalatay dalka Cumaan looga digay ineey qaataan Jinsiyad dal Ajnabi ah ayagoo aan ogolaansho ka haysan Suldaanka dalka Cumaan Haytam Dhaariq. Dalka Cumaan waxaa ka jiro qaanuun eey tiradiisu tahay(9) kaaso dhahaayo”MAWAADHINIINTA REER CUMAAN WAXA EEY DHUMINAYAAN DHALASHADOODA SIDA UU QABO SHARCIGA HADDII UU QAATO JINSIYAD DAL KALE,WAXAA KALOO MAWAADHINKA REER CUMAAN DHUMINAA WAALIDNIMADIISA CARUURTA UU DHALAY EE DA’ADOODA KA YAR TAHAY 18-SANO”.
ISHA WARKA WAKAALADO.