DALKA BAXRAYN OO XUKUN KU RIDAY..
BANAANBAX KA DHACAY BAXRAYN.
(BAXRAYN)-Maxkamad ku taalo dalka Baxrayn ayaa ayiday eedeyn lidi ku ah C/hadi Al-Khawaja oo macruuf ku ah difaac xuquuqul insaanka maalintii shalay oo ahayd Khamiis ka dib markii ey maxkamdu u diidday in C/hadi racfaan ka qaato xukunka lagu riday,sidaas waxaa laga soo xigtay qoyska C/hadi iyo hayadaha u ololeyo xuquuqul insaanka. C/hadi Al-Khawaja oo 64-jir ah ayaa markii ugu horeysay waxaa la xiray sannadkii 2011-kii ka dib markii C/hadi uu hogaamiyey banaanbax nabadeed boqortooyada Baxrayn looga dalbanaayey xurnimada aasaasiga ah.
ISHA WARKA MEE.