DAGAAL KA SOCDO XDERADA CEYN XILWA.
(SAWIRKA)-XERADA CEYNI XILWA.
(LIBNAN)-Weli wax xal ah looma helin dhibaatada ka taagan xerada Qaxootiga reer Falastiin ee Ceyni Xilwa ee dalka Libnaan, xeradaan ayaa waxaa wada degan xoogag wada hubaysan kalana fikir ah sida Jabhada Al-Fatax iyo kuwa Islamiyinta ah(Xamaas Iyo Jihaad Al-islaami),dhawr jeer ayuu ka dhacay dagaal faraha looga gubtay laguna kala adkaan,dagaalkii ugu dambeyey ayaa waxa isku fara saaray Jabhada Al-Fatax iyo koox Islamiyiin ah waxaane dagaalka u sabab ahaay dil horay uga dhacay xerada oo loo aar guday. Hadda ayaa la soo sheegayaa in maleeshiyaadku bilaabeen iney degaan dugsiyada waxbarashada ee ku yaalo gudaha Xerada Ceyni xilwa,lama yaqaano sababta keentay arrintaan cusub.
ISHA/ARABIC NEWS.