DAGAAL KA QARXI RABA CAASIMADDA DALKA LIIBIYA.
KOONFURTA CAASIMADDA TRIPOLI.
(TRIPOLI)-Hareeraha casimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa lagu arkay maalmahaan dhisidda ciidan eey sameynayaan kuwa iska soo horjeeda oo doonaayo ineey xukumaan dalkaasi Liibiya. Koox ka mida kooxaha ku sugan daafaha caasimadda Tripoli ayaa ah kuwa ka amar qaata RW-C/xamiid Dbeibah kuwa kalane waxa eey ka amar qaataan Reysal Wasaaraha la magacaabay bishii Maarso-2011-ka ee Fatxi Bashagha.Ila wareedyo ku dhaw RW-Dbeibah ayaa wakaaladda wararka Anadolu ee dalkaasi Turkiga shalay oo Kahamiis ahayd u sheegay in xoogaga la geeyey koonfurta caasimadda Tripoli yihiin kuwa sugaayo suuragalna eey tahay ineey weeraraan ciidamadda daacadda u ah Bashagha.
ISHA WARKA AA.