DAACISH LAGU QABTAY DALKA IRAAN.
(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA IRAAN.
(TEHRAN)-Wasaaradda Sirdoon dalka Iraan ayaa sheegtay maanta oo Axad ah(24/9/23)-ka iney fashilisay sodon qarax ey diyaarisay kooxda Daacish,waxaane arrintaan loo soo qabtay dad gaarayo ilaa 28-qofood oo lagu tuhmaayo iney arrintaan ku lug leeyihiin,dadkaan ayaa laga soo kala qabtay gobolo kala gedisan ee gudaha dalka Iraan. Wasaaradda Sirdoonka Iraan ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsan Wasaaradda ey fuliyeen hawlgalka lagu soo qabtay 28-ka qofood ee looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Daacish,hawlgalka ayaa ka dhacay goboladda Tehran,AL-Barz iyo Azarbajaanta Galbeed,saraakiisa ayaa weeraray guryo ey deganaayeen kooxda argagixisada.
ISHA/ARAB.