DAACISH IYO SIRDOONKA SUUDAAN OO FARA SAARAY.
(KHARTUUM):Hayadda Sirdoonka dalka Suudaan ee marka la soo gaabiyo loo qoro(GIS) waxa eey is fara saareen dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish kuwaasoo ku sugnaay dhismayaasha 18-aad iyo 14-aad ee degaanka JABRA iyo dhismaha 14-aad ee degaanka Alazhar kaaso dhaca koonfurta magaaladda caasimadda ah ee Khartuum.
Hawlagalkaan eey sameeyeen ciidamada sirdoonka dalka Suudaan ayaa lagu soo qabtay kow iyo toban dagaalyahan oo Daacish ah dhamaantoodna ah dad aan u dhalan dalka Suudaan,hawlgalkaan waxaa dhinaca xukuumadda Suudaan uga dhintay shan sarkaal waxaane uga dhaawacmay hal sarkaal,waxaane goobta isaga baxsaday afar dagaalyahan oo Daacish ah dhammaantoodna ah ajaanib. XIGASHO SUNA.