CUNAQABATEYN KU SOO SOCOTO BAARLAMAANKA…
DOORASHADA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Tan iyo sodonkii bishii Oktoobar-2022-ka dalka Libnaan ma laha Madaxweyne waxaane xilka dalkaasi sii haayo Madaxweyne uu dhammaaday waqti xileedkiisii,Baarlamaanka dalkaasi Libnaan ayaan dhawr mar waxa uu isku dayey inuu doorto Madaxweyne cusub kumana guulaysan,balse hadda arrintu waxa ey u wareegtay dawladaha daneeyo dalkaasi Libnaan. Senitaro sare kana kala tirsan Xisbiyadda Dimuqaraadiga iyo Jamhuuriga ee dalkaasi Maraykanka ayaa maamulka Madaxweyne Biden ugu baaqay in la gaaro go’aan cunaqabateyn lid ku ah Xildhibaanadda Baarlamaanka dalka Libnaan si ey u sameeyaan dawlad cusub iyo dib u habaynta dhaqaalaha si dalka Libnaan uga baxo dhibaatada dhaqaale ee haysta. “Midaas bedelkeeda intaan si sahlan u sugi lahayn dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo dib u habayn,waxaa la joogaa waqtigii uu maamulku fulin lahaay siyaasadda horusocdka”sidaas waxaa laga soo xigtay Senitaro ka kala tirsan Xisbiyadda Dimuqaraadiga Roberto Menedez iyo James Risch oo Jamhuuriga ah,hadalkaas ayey ku qoreen qoraalo ey u kala direen Xogheyeyaasha Arrimaha Dibadda Anthony Blinken iyo Maaliyadda Jenet Yellen ee dalka Maraykanka maanta oo Jimca ah.
ISHA WARKA MEE.