CUDURKA DAACUUNKA OO KA JIRA….
HOOYO DHABTA KU HAYSO CANUG XANUUNSAN.
(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya oo hadda ka soo kabanayo colaadii sodonka sano ahayd ayaa hadda waxaa laga soo sheegaa ineey isu biirsadeen dagaalo ka jiro dhulka xuduudyada,abaaro iyo cudurka Daacuun caloolka oo hadda asiibay dad aad u fara badan.Hayadda caafimaafka Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano( WHO) ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in inta u dhexeeysay bilaha Janaayo ilaa Juun ee sannadkan 2022-ka dalka Soomaaliya lagu arkay dad qaba Cudurka Daacuunka(Cholera) waxaane dadkaasi tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay (8,041)-qofood waxaane u dhintay dad dhan 37-qofood kuwaaso sababsaday biyo eey cabeen,dhammaan xaaladaha la ogaaday ee cudurka Daacuunka ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa lagu xaqijiyey Sheybaarka waqti eey Soomaaliya ka jirto Abaar aad u ba’an muddo afartan(40)-sano ahne uu dalka ka di’in wax roob ah oo lagu diirsado. Hayadda caafimaadka adduunka(WHO) ayaa sheegtay in 54% dadka Soomaaliyeed sannadkaan 2022-ka eey asiibeen cuduro gaar ahaan cudurada ayaa ku dhacay caruurta eey da’adoodu ka yar tahay laba(2)- sano halka 49% eey yihiin Dumar iyo 28% ineey u dhinteen Haraad,cudurka Daacuunka ayaa dilaacay ka dib markii eey dadka Soomaaliyeed waayeen ineey helaan biyo nadiif ah iyo adeeg caafimaad eey baahnaayeen.
ISHA WARKA AA.