CUDURKA CHOLERA OO LAGA HELAY DALKA LIBNAAN.
(FIRAS)-WASIIRKA CAAFIMAADKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Wasiirka caafimaadka dalka Libnaan Firas ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in Xukuumadda Libnaan ogaatay inuu jiro tuhun ah inuu dalka Libnaan ka jiro Cudurka Daacuun Caloolka ee “Cholera” wax ka yar maalin ka dib markii dalka laga helay xaaladii ugu horeeysay ee Cudurka Daacuun Caloolka ee “Cholera” tan iyo sannadkii 1993-dii,warkaan ayaa imaanayo bil ka dib markii Cudurka Daacuun Caloolka uu ka dilaacay dalka Suuriya oo deriska la ah dalka Libnaan.
ISHA WARKA AP.