CUDURADA DHIMIRKA OO KU SOO BADANAYO..

MASJID.

(MICHIGAN)-Jaaliyadda Muslimiinta ee magaaladda Dearbon ee Gobolka Michigan dalka Maraykanka ayaa waxaa soo wajahay kor u kac dhinaca dhibaatada caafimaadka dhimirka,booliska gobolka Michigan ee dalka Marayknka oo ka qeybgalay diiwaangelin ey sameynaayeen shaqaalaha ka shaqeeyo arrimaha bulshada laguna tira koobaayey dadka qaba cudurada dhimirka ee sannadkii 2022-kii, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha. Marka laga soo bilaabo horaantii sannadkii 2022-kii ilaa 21/12/22-ka saraakiisha booliska ee magaaladda Dearbon ee gobolka Michigan waxa ey ka jawaabeen in ka badan kun wicitaan lana xiriiro dadka qaba cudurka dhimirka,tirada dadka qaba cudurada dhimirka ee gobolka Michigan ayaa korortay 31% marka la barbardhigo sannadkii 2021-kii.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

WEERAR AARGOOSI AH OO KA DHACAY…

Next
Next

MASAR OO DIB LOOGU SOO CELIYEY…