CIIDAMADDA MARAYKANKA OO QABTAY HUB U SOCDAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-MARKAB AH KUWA ILAALIYO XEEBAHA.

(ISTANBUL)-Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha ee dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay Hub casri ah iyo gargaar halis ah oo ka yimid dalka Iraan,kaaso loo weday degaanadda ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman gaar ahaan dhulka ku dhaw Badda Cas,28-kii bishii Janaayo sida uu sheegay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM. “Ciidamadda Ilaalada Xeebaha Maraykanka ee Sentinel-Class jawaab deg deg ah uga jawaabay USCGC Clarence Sutphin Jr(WPC1147) oo loo xilsaaray Taliska dhexe ee ciidamadda badda Maraykanka ayaa soo helay Marakabka oo ey fuuleen Badda Carabta”CENTCOM ayaa sidaas ku qortay barteeda (X). Kooxdu waxa ey soo heleen 200-xirmo ey ku jiraan qeybaha Gentaalaha Balastikada ah ee ridada dhexe,Waxyaabaha Qarxo ee la dhigo Biyaha Hoostooda ayadoo cidna wedin(UUV/USV),qalabka isgaarsiinta Mileteriga oo heer sare ah iyo qalab shabakad ah,Gentaalo Lidka Taangiga ah iyo waxyaabo kale oo qeybaha ciidamadda ah’ayey raaciyeen qoraalkooda. CENTCOM iyo xulafadeed waxa ey u heelan yihiin joojinta Qulqulka gargaarka Iraan iyadoo loo maraayo dariiqooyin sharci ah oo ey ku jirto Cunaqabateyn iyo is dhexgal ayey tiri CENTCOM. Marinka Badda Cas waxa uu ka mid yahay marinada badda ey inta badan isticmaalaan shixnadaha Shidaalka. Xoghayaha Difaaca Maraykanka Austin ayaa dhawaan ku dhawaaqay abuuritaanka hawlgal caalami ah oo looga hortegaayo weerarada Xuutiyiinta Yeman ee Badda Cas.

ISHA/AA.

Previous
Previous

MADAX CIA-DA MARAYKANKA OO GAARAY TEL AVIV.

Next
Next

ISRA’IIL OO XABSI KALE U GUDBISAY MARWAAB AL-BARQUTI.