CIIDAMADDA ISRAEL OO DILAY TAKHTAR FALASTIIN AH.

CIIDAMADDA ISRAEL OO WADA HAWLGAL.

(FALASTIIN)-Cabdallah Abu Teyn waa takhtar ka shaqeeeyo Isbitaalka Khaliil Sulaymaan eey leedahay dawladda dadka reer Falastiin,Dr.Cabdallah ayaa geeriyooday ka dib markii eey toogteen ciidamadda Israel oo hawlgal ka weday xeradda qaxootig ee Janiin daanta galbeed dhulka eey Israel haysato maanta oo Jimca ah. Dr.Cabdallah ayey ciidamadda Israel toogteen isaga oo ku guda jiray daaweynta dad reer Falastiin ah oo eey soo dhaawaceen ciidamadda Israel ee weday hawlgalka,sida eey sheegtay warbaahinta Carbeed Dr.Cabdallah ayaa waxaa toogtay nin ka mida ciidamadda Israel balse ahaay kuwa dadka ku dila sida gaadmadda ah(SNIPER). Mateen Dabaya oo 20-jir ah ayey isna dileen ciidamadda Israel maanta oo Jimca ah waxa eeyna hawgalka maanta ku dhaawaceen shan kale kuna sugnaay gudaha xerada qaxootiga Janiin.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

YEMAN:DAD U DHINTAY DAAWO DHACDAY EY ISTICMAALEEN.

Next
Next

CIRAAQ OO YEELATAY MADAXWEYNE CUSUB.