SHAHADAD NOBEL EE QUUDINTA ADDUUNKA MA AHA…

1020181201149932.jpg

Tan iyo markii uu bilawday kacdoonkii sannadkii 2011-kii waxaa xukunka laga tuuray madaxweynayaal carbeed oo dalalkooda soo xukumaayey wax ka badan sodon sano,wadamadda xilka laga tuuray madaxweynayaashooda waxaa ka mid ah dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax waxaane hogaanka dalka yaman lagu wareejiyey ku xigeenkiisa Cabdurabu Mansuur Haadi waxaane soo wajahay culaysyo fara badan oo eey ka mid tahay weerarada Alqaacidda,gooni isu taaga koonfurta,musuqa,shaqa la’anta,cunto yari iyo sida laga yeelaayo saraakiishii ciidmadda ee daacadda u ahaay Cali Cabdalla Saalax.Xoogaga dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee loo yaqaano ANSAARA ALAAH oo ah koox diimeed Muslim-Shiica-Zaydii waane kuwa laga tira badan yahay waxayna ahaayeen kuwa dagaal kula jira xukuumaddii AUN-Cali Cabdalla waxayna fursad ka heleen dawladda tabarta daran ee madaxweyne Cabdurabu waxaane taageero u fidiyey Suniyiinta reer Yaman una suurtageliyey ineey qabsadaan Casimadda Sanca.

David Beasley waa agaasimaha fulinta ee hayadda cuntada adduunka ee qaramadda midoobay oo marka la soo gaabiyo loo qoro WFP ayaa yiri” SHAHAADO LAGU QAATO QUUDINTA ADDUUNKA MA AHA MID TITIRAYSO CEEBTA CARUURTA YAMAN KU GAAJOONAYSO,INAGU WAAN DHUMINAY DAGAALKII AAN GAAJADDA KULA JIRNAY TAASOO AAN HORAY U DHICIN IYO INAGOO INTA BADAN DHUMINAY LA DAGAALANKA GAAJADDA KA JIRTA DALKA YAMAN “ Hayadda cuntadda adduunka ee WFP ayaa ku guulasatay abaalmarinta nabadda ee loo yaqaano NOBEL PEACE PRIZE. XIGASHO GUARDIAN

HALKAAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

MAXKAMADA QAADA DEMBIYADDA OO XUKUN..

Next
Next

SENATARADDA MARAYKANKA OO IS HORTAAGAY IN…