BLINKEN OO BOOQAN DOON BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-NIN REER FALASTIN AH OO GURIGIISA DHULKA LALA SIMAY.

(USA)-Sida uu qoray Wargayska New York Times maanta oo Khamiis ah war laga soo xigtay ila xogogaal ah kuna dhaw Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa Wargayska u sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken uu ka codsan doono xukuumadda Isra’iil iney ka aqabasho iney joojiyaan weerarada Mileteri ey ku hayaan Marinka Gaza muddo gaaban si Gaza loo geliyo kaalmada bani’adanimo,badqabka dadka lahaysto ee la doonayo in la soo daayo iyo in fursad ku filan loo helo dadka ey ku adkaatay iney soo gaaraan goobaha lagu qeybinaayo kaalmada bani’adanimo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Marayknka Abtony Blinken ayaa waxa uu tegi doonaa dalalka Japan iyo Hindiya oo ka mid ah wadmadda loo yaqaano G7 kuwaaso kulan yeelan doono todobaadka dambe,Blinken ayaa soo mari doono dalal ka tirsan bariga dhexe sida Urdun iyo Boqortooyada Baxrayn,waxaa kaloo lagu wadaa inuu tago dalka Boqortooyada Sacuudiga,

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ANTONY BLINKEN OO BOOQAN DOONO URDUN.

Next
Next

BOQORTOYADA BAXRAYN OO ERIDAY SAFIIRKII ISRA’IIL.