BJFS OO YEESHAY KAL FADHIGI 2-AAD.

BJFS.

(MUQDISHO)-Maanta oo Isniin ah kuna beegan 20/2/23-ka ayaa waxaa fadhigiisa labaad kulankii 21-aad Muqdisho ku yeeshay BJFS waxaane shir gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta koobaad marsiyey Hindiso sharciyeedyada Dhawrista Xogta,Maareynta Degaanka iyo La dagaalanka Argagixisada,waxaa ayagana akhrinta labaad la marsiyey Hindisa sharciyeedyada Socdaalka iyo Diiwaangelinta dadweynaha. Wasiirada ka qeybgalay kal fadhiga maanta ayaa waxaa ka mid ahaay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirada Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Kahdiija Al-Makhzumi iyo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa,waxaa maanta Golaha lagu hor dhaatshay xildhibaan cusub Xasan Hurre Ugaas oo bedelay Reysal Wasaare Xamsa Barre.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

ABU CULA’A OO GEERIYOODAY.

Next
Next

IMAARAATKA OO LA SAFATAY…