BAQDAAD OO AMNIGEEDU SII GELAAYO….
MAGAALADDA BAQDAAD.
(BAQDAAD)-Toban ruux oo ka mida dad sameeynaayey babaanbax gudaha caasimadda Baqdaad ee dalkaasi Ciraaq ayaa geeriyooday maanta oo Isniin ah,ka dib markii tageerayaasha Sheekha Shiicada ah ee Muqtada Al-Sadri weerareen Qasriga Jamhuuriga oo eey fadhisato xukuumadda Ciraaq kuna yaalo magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad.Sida laga soo xigtay xarumaha caafimaadka ee Baqdaad rabshadihii maanta ka dhacay Baqdaad waxaa ku dhaawacmay 150-ruux.
ISHA WARKA AA.